Madaxweynaha maamulka hirshaabeelle ayaa laga gudbiyay mooshinka dhan ah waxaa sii kordhaysa tirida raacsan in xilka laga qaado.
Maxamed cabdi waare ayaa haatan waxa ay soo wajahday cabsi xoogan maadama xildhibaanada baarlaamanka oo eeganaya lacago ay bixiney qadar iney helaan ayaa waxa ay rabaan iney xilka ka xayuubiyaan madaxweyne waare.
Geesta kale dowladda federaalka soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda lacago ku bixineysa sidii loo burburin lahaa mooshinka waare laga soogudbiyay maadama waare uu heshiis hore laga galay dowladda dhexe.
Warar hoos oo ay heleyso MOL ayaa sheegaya in mooshinkan ay xildhibaanada hirshabeelle ay ka gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi ay ka danbeeyeen madaxda maamul goboleedyada maadaama madaxweyne waare uu heshiis la gaaray dowladda dhexe ee soomaaliya.
Mooshinka waare ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay qaarkood ay ku doodayaan in waare tan iyo markii uu noqday hogaamiyaha hirshabeelle maamulkaasi inuusan sameynin wax horumaro ah oo la taaban karo.