Madaxweyne Waare iyo Wasiir Caadle oo qir iyo qir kala taagan ka dib Magacaabistii!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aynu ka heleeyno Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka hirshabeelle khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan qaar ka mid ah golaha wasiirada Maamulkaasi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi waare.

MOL wararkii ugu dambeeyay oo ay heshay waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdi waare uu ka xanaaqay xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyayaasha degmooyinka jalalaqsi iyo buula-burde ee gobolka hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle caadle ayaa ku wargeliyay Madaxweynaha in uusan soo faragashan arrimaha shaqadiisa ah,arintaan ayaa buuq dhalisay waxaana cali guudlaawe uu isku dayayaa in uu qaboojiyo inta aysan faafin.

Maamulka hirshabeelle ayaa sidaan oo kale dhowr jeer waxaa ay iskugu qabsadeen arrimo la xariiro magacaabis,lamana ogo arintaan sida lagu xalin doono

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!