Madaxweyne Waare Iyo Golaha Wasiirada Maamulkasi oo Ansixiyay Miisaniyada Ay Ku Shaqeyn Donan Sanadkan

Reading Time: < 1 minute

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2018 uu ku shaqeynayo, kaddib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkan.

Miisaaniyaddan ayaa ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud $8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidanka

Ugu damayntii Tallaabadan Golaha Wasiirada Hirshabeelle ku meelmariyeen Miisaaniyada 2018 ayaa ka dhigan in markii u horeysay in Hirshabelle Miisaaniyad ay yeelatay, waxaana bilow u tahay hanaanka maamulkaas uu ku shaqeynayo, iyadoo maamulkan uu yahay mid curdan ah oo aanay u dhisneyn hey’adihii aas aasiga ahaa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!