Madaxweyne Shariif Xassan oo lagu Xayiray Garoonka Diyaaradaha Ee Jomo Kenyatta ka dibna Lagala Wareegay Document’s-yadii uu ku Socdaalaayay!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maanta gaaray  Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta Lagu xayiray,Shariif Xasan ayaa markii garoonkaas lagu xayirayey ka imaaday dalka Sacuudiga oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey.

Xogta ay heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegeeysaa in waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Kenya ay la wareegtay Ducument’s-yadii uu ku Socdaali lahaa,ugu dambeeyey ee kasoo baxayo arrintaas ayaa sheegeyso in Shariif Xasan lagu sii daayey damiin ka timaaday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Dhacdadaan lagu xayiray Shariif Xasan ayaa imaaneyso xilli horaantii Bishii hore ee September loogu galay Hotel uu ka daganaa Nairobi markaas oo ay baaritaan qolkiisa ku sameeyeen ciidamada Booliska dalka Kenya.

Weerarkaas lagu qaaday Hotelka uu Shariif Xasan ka daganaa Nairobi ayaa la sheegay in looga qaaday Documents sidoo kalana uu dhaawacd fudud kasoo gaaray Shariif Xasan markii ay isku dhaceyn ciidamadii Booliska ahaa ee qolkiisa ugu galay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!