Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tacsi u direy Dhammaan Dadkii Ku dhintey Qaraxyadii Maanta Gabbaldhicii ka dhacay Baydhabo isagoona u Rajeeyey in uu ALLAH siiyo Naxariistii Janno inta ku Dhaawacanteyna uu ALLE uga baryey in uu Caafimaad deg deg ah siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN waxaan tacsi iyo tiiraanyo u dirayaa dhammaan inta ku waxyeellowsey iyo inta ku dhimatey Qaraxyadii maanta Gabbal dhicii ka dhacay Baydhabo inta dhimatey Naxariistii Janno ayaan ALLAH uga baryeynaa inta Dhaawacana Caafimaad Degdeg ah ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ugu Baaqey Shacabka KGS in ay Midoobaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sidoo kale Tacsi Taa lamid ah u direy Shacabka Koonfur Galbeed Gaar ahaan Ehelada Dadka Dhintey iyo kuwa ku waxyeelloobey Qaraxyada waxaana uu ku tilmaamey musiibo ay ka dambeeyaan kooxaha Nabad diidka ah ee Alshabaab.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegey in dadka dhaawaca ah Diyaarad loo soo diri doono isla markaana Dibada loo qaadi doono dhaawacyada