Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta gaaray degaanka Bali- doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.
Degaanka Bali doogle ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Caddaan ah.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Safarka sharif xasan aya imanaya iyado dhawanahan deganmada maamulkasi uu ka dhacayay weeraro dhaba gal ah oo cidamada al shabaab ay ku qadayen kuwa koonfur galbed,