Waxaa mudo ku dhow asbuuc ku sugan dalka Sacuudiga Careebiya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sharif Xassan Shiikh Aadan. MW Sharif Xassan ayaa safarkiisa la xiriiraa martiqaad uu ka helay qaar ka mida madaxda dowlada Sacuudiga. Inta uu halkaas uu ku sugan yahay MW Sharif Xassan waxa uu kulamo gaar ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaliya ka jirto iyo sidii gacan loo siin lahaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed la yeeshay madaxda dowlada Sacuudiga. Waxaa la filayaa in isaga iyo wafdigiisa ay dalka dib ugu soo noqdaan maalinta khamiista ee asbuucaan.
Madaxweyne Sharif Xassan oo si fiican loogu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga , kulamo gaar ahna la qaatay madaxda iyo ganacsatada dalkaas
Reading Time: < 1 minute