Madaxweyne Saciid Deni oo gaaray Qardho!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni aya Maanta waxa uu socdaal ku tegay Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar puntland,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Booqashadaan oo ah tii ugu horeeysay tan iyo markii Madaxweynaha Puntand la doortay 8-dii Bishii Janaayo ee sanadkaan, waxaana Khardho kusoo dhaweeyey Mamulka degmada, Odayasha Dhaqanka iyo qeybaah kala duwan ee Bulshada.

Ujeedada uu halkaasi u tegay ayaa lagu sheegay u kuurgelida xaalada ay ku nool yihiin dadka Magalada Khardho,waxaana uu uga sii gudbi doonaa Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Saacadaha uu ku sugan yahay Madaxweyne Siciid deni ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka,waxaana aad loo adkeeyey amniga Magalada Khardho.