Madaxweyne Muuse Biixi oo Go’aan Cad ka qaatay Dagaalka Tuka-raq

Reading Time: < 1 minute

Kulan ay Madaxtooyada Soomaaliland ee  hargeysa  ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga gaar ahaan xaalada deegaanka Tukaraq.

Kulanka ayaa waxaa shir  guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Soomaaliland.

Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Soomaaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed laga soo saaray shirkaas.

Sidoo kale waxa uu shirka lagu  caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso Muhiiim Nabada iyo deganaanshaha.