Madaxweyne Mustaf Cagjar oo loogu Baaqay in uu Hakiyo Colaada Oromada Iyo Soomaalida

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaaliya Itoobiya Mustafa Cagjar ayaa laga Codsaday in uu xal wanaagsan ka keeno Dagaal wali aan joogsan ee ka Soconaayo Xadka Oromada Iyo Soomaalida kaasi oo ku saleeysan Isir Naceeyb.

Qaar ka mid ah Dadka deegaan oo aan Magacooda loo adeegsan Warbaahinta ayaa sheegay in ay Madaxda Itoobiya iyo Madaxweynaha deegaan in ay ka Codsanayaan in Dagaalkaasi Xal loo helo,islamarkaana Danaha guud ee deegaanka laga shaqeeyo.

Dhanka kale waxaa uu sheegay Ruuxaani in Dhibaatooyin Amni ay ka taaagan yihiin deegaano badan oo ay ka mid tahay Harar taasna ay dalbanayaan in Madaxweyne Mustaf Cagjar ilgooni ah ku eego.

Tan iyo Markii uu meesha ka baxay Madaxweynahii Hore Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Ee Cabdi Maxamuud Cumar,waxaana deegaanka Soomaalida ka Dilaacay Siyaasad Degaanshiyo iyo wax-isku sheeg ku dhisan sida ay qabaan Bulshada Dhulkaasi degto