Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Lafta-gareen oo ku sugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeeybaheeda kala duwan ee ku nool Magaaladaasi.
Kulamadii Xalay Dhaxmaray Madaxweynaha K/galbeed Soomaaliya Cabdacasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo bulshada Xudur iyo Maamulkooda.Waxaa diirada Lagu Saaray Sidii Nolosha Xudur iyo Degmooyinka kale Loogu dhigi lahaa Tii Hore Mid ka wanaagsan.
Odayaasha ayaa u sheegay Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Lafta-gareen in aysan aqbali doonin maamul aysan rabin oo sandulle lagu masiiyo.
Sida aan warka ku heleeyno maamulka iyo shacabka ayaa kulankaasi banaanka uga baxay,waxaana la filayaa in ay mar kale kulmaan