Madaxweyne Ku Xigenka Khaatumo”Weli Anagu Kama Tanaasulin Midnimada Soomaali Weyn”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdalla Maxamuud Cali ayaa shegayin marnaba aanay ka tanaasulin doonin mowqifka Soomaaliweyn, islamarkaana ay xilli walbo diyaar u yihiin iney ku dhintaan aragtidooda.

Waxa uu shegay in iyagu aanay ku biirin Somaliland, una aqoonsan yihiin maamul kale oo ay deris yihiin.
Waxa uu shegay in Somaliland aysan garaneynin balse ay garanayan Soomaaliya isago shegay in siyaasiga uu san dalkisa ka dorbidin waxa uu dhunta mariyo balse uu ilaaliyo midnimada umada soomaaliyeed.

Dhanka kale, Mudane Cabdalla ayaa sheegay in dhowaan ay qaban doonaan shir weyn Khaatumo ah, islamarkaana ay kaga hadli doonaan aayaha maamulkaasi iyo sida loo socodsiin lahaa.

Maamulka Khaatumo ayaa u kala qeybsamay Labo garab, iyadoo xubno uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr uu wada hadal kula jiro Somaliland.