Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo lakulmay Saraakiil Midowga yurub katirsan

Reading Time: < 1 minute

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland sheeftay in lagu amaanay siday uga caaggan tahay Burcad-badeedda iyo argagaxisada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).