Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo kulan la qaatay xildh. baarlamaanka Ingiriiska

Reading Time: < 1 minute

Wafti uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa  Kulamo kala duwan la qaatay xildhibanao ka mida Baarlamaanka Ingiriiska

wafidiga  Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  waxaa qayb ka ahaa  Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Baandare, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Ergayga gaarka ah ee Somaliland Edna Aadam Dhakhtar, Safiirka Somaliland ee UK Ayaan Cashuur, La taliyaha Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Cabdikariim Aadam ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka Waddanka UK.

Dhinaca Kale waxa iyagu shirka jogaay Xildhibaanadii ugu sareeyey Gudida Ictiraafka Horumarka Somaliland u ololeeya Somaliland All Party Parliamentary Group Kulankan ayaa inta badan lagaga hadlay Xidhiidhka soo jireenka ah ee dhaxeeya Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska.

Xildhibaanada Baarlamanka Ingiriisku waxa kale oo ay Madaxweyne ku xigeenka uga warameen kulan ay 28 November la qaateen wafti uu hogaaminayey Wasiir Maxamed Xaaji Aadam Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo ay ku falanqeeyeen baahida Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, sidoo kalena waxaa lagaag wada hadlay xidhiidhka Labada Gole-Baarlamaan ee Somaliland iyo UK gaar ahaan gudiyada Arrimaha Dibada ee Guurtida iyo Wakiilada lala mataaneeyo gudida Baarlamaanka Ingiriiska ee All Party Parliamentary Group islamarkaana ay Xildhibaanada Ingiriisku aqbaleen si weyna usoo dhaweeyeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa balan qaaday inay Marti qaad rasmi ah usoo dirayaan Baarlamaanka Somaliland si loo xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada Baarlamaan, falaqayn ka dib waxaa laysla meel dhigay in la sameeyo qorshe nimadaam ay kuwada shaqeeyaan labada guddi islamarkaana, loo xilsaaray Taliyaha Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Baarlamanaada.