Jaamac Xayle Maxamed Gudoomiyihii Degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa eedeen u jeediyay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabey.
Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug lacago ay u balanqaadeen Hay’addo Caalami ah, islamarkaana xilkii uu ka qaaday.
Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay) Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay dhawaan Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista,waan taas sababta muranka keentay
Guddoomiyaha Waxa uu sheegay inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug,taasna uuna aqbaleeynin