Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Garay Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamed cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka mudug.

Wafdigaan ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada galkacyo waxaa kusoo dhaweeyay masuliyiin ka kala socatay hay’adaha kala duwan ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalka ay ku yimaadeen Gaalkacyo taas oo uu sheegay in ay la xariirto u kuurgalida xaaladaha amniga iyo baahiyada dhanka adeegyada bulshada sidoo kalana maalmaha soo socda ay kulamo arimahaasi looga hadlay kula qaadan doonaan magaalada galkacyo saraakiil ka socata Hay’addaha Qaramada midoobay.