Madaxweyne Gaas oo si diiran u soo dhaweeyay madaxda dowlad Goboleedyada (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Madaxwayne Gaas ayaa soo dhaweeyay Madaxwaynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxayna ka hadleen ajandaha looga hadli doono shirka beri Garoowe uga furmaya Golaha Iskaashiga Maamulada Dalka.

Madaxwayneyaasha maamuladda Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Hogaamiyaashan ayaa lagu wadaa inuu caasimad goboleedka Nugaal uu uga furmo shirka Madasha Iskaashiga Maamul goboleedyadda, kaasi oo ay ku gorfayn doonan siyaasadda, amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay xili maanta qayb kamid ah caasimada Puntland kaddib markii ay isku dayeen ciidamo lacag looga soo diray Muqdisho in ay carqaladeeyaan ammaanka magaalada Garoowe

Shir madaxeedkani oo uu qorshuhu yahay inuu maanta oo Sabti ah si rasmi ah uu ufurmo ayaa waxaa nan la qayb-galaynin madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Waare, kaasoo laga saaray madasha.

Shirkaan ayaa imaanaya xili cilaaqaadka udhaxeeya maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe uu gaarey heerkii ugu hooseeyay, inkasta oo haatan ay socdaan dadaalo uu wado Aqalka Sarre oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha taagan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!