Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa kulan looga hadlayay amniga guud ee degaanada Puntland la qaatay hay’addaha kala duwan ee amniga Puntland.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, madaxweyne Gaas ayaa hay’addihii uu la kulmay faray in la xoojiyo sugida amniga
Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel), waxa uuna sheegay in madaxweyne Gaas uu faray hay’addaha amniga in sharciga la marsiiyo dhalinyarada Al Shabaab iyo Daacish ka tirsan ee xabsiyada ku jira.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne uusan aqbali raali ka ahayn in Al Shabaab gacanta lagu soo dhigay iney xabsiyada Puntland isaga sii jiraan.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa shacabka gobolka Bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan iyo weerarada Al Shabaab iyo Daacish.
Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa ayaa mudooyinkii dambe waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay dhalinyaro, Waxgarad, wariyaal iyo Ganacsato.