Madaxweyne Gaas:-Imaaraad-ku waxeey Soomaalida u Fududeeysay Viisaha Dalkeeda”

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu Umadda Soomaaliyeed u fududeeyo arrimaha socdaalka dal ku galka iyo degegaanshaha, kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

War saxaafadeedka ayaa looga mahadceliyay Imaaraadka Carabta tallaabadan, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen mugdi ku aadan degenaanshaha Soomaalida, arrimo xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.