Madaxweyne Farmajo Seedigiisa oo boob baahsan ku haya Raashiinka Mucaawinada ah:

Reading Time: < 1 minute

Qalalaaso xun iyo is qabqabsi ayaa ka taagan Wasaarada gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka taas oo uu sababay Wasiir Ku-xigeenka Cilmi Cumar Caynsane oo ah ku simaha Wasaarada. Sedexdii bil ee ugu dan baysay, kadib markii ay is casishay Wasiiradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dr. Maryam Qaasim oo xilkaas banaysay sababo ay ku tilmaantay isbarbar yaac.

Wasiir Cilmi Ceynsane oo uu gadaal ka taagan yahay Cumar Cabdi Macalin oo loo yaqaano Cumar Faaruuq oo ah Madaxweynaha Seedigiisa, ayaa waxaa ay si bareer ah ugu gacansadaan raashiinka mucaawinada ah oo ay Wasaaraddu heyso.

Boobka iyo musuqmaasuq iyo hantida qaranka iyo waliba anshax xumo ay ku hayaan xafiiska Wasaarada isla markaana Maalinba ay keeno xafiiska dulaaliin iyo ganacsata suuqa madow wax ku iibsata.

Sida muuqata waxaa ayaan daro ah in Madaxweynaha seedigiisa uu Wasaaradii Gargaarka oo dadka ummada Soomaaliyeed waxbadan ka sugayeen Sidaas loo galo.

Waa Markii 8aad ee raashiin gargaar ahaan loo siiyey ummada Soomaaliyeed, laguna aaminey Dowladda uu si toos ah ugu beecmishataro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Seedigiisa Cumar Cabdi Macalin oo loo yaqaano Cumar Faaruuq.

Tani waxay tusaale cad u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo uu raali ka yahay dhibaatada iyo boobka uu seedigiisa ku hayo Ummada.

Dr. Mariyan Qaasin ayaa Shaqada Wasaaradda isaga Casishey howlo noocaan oo kale ah oo uu Ra’iisul Wasaare kheyre Raashiin Mucaawino ahaa uu ugu tagri falay, siiyeyna ganacto ay isku heyb yihiin.