Madaxweyne Farmajo oo soo laaluushay, Imaamka & Ugaaska Muddulood (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo oo aay soo wajahday cabsi la xiriirta mudaaharaadyo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa uu shir la yeeshay Imaam Maxamed Yusuf iyo Maxamud Cali Ugaas.

Shirka ayaa looga hadlay amniga faraha kasii baxayo iyo dilalka joogtada ah ee aay ciidamada Booliska u geysanayaan shacabka, ayaa waxaa MW Farmaajo uu ka codsaday labada duub in aay xalliyaan shacabka joojiyaanna mudaaharaadyada Muqdisho ka bilowday.

Waxaa isla caawa lagu qabtay guriga kusimaha Iimaamka Abgaal Maxamed Yusuf kaasoo ay ku sheegeen kuna fareen shacabka in ay joojiyaan mudaaharaadyada, isla markaana iygago aay masuul ka yihiin shacabka Gobolka Banaadir lana xisaabtami doonaan dowladda.

Arrintan aya la yaab ku noqotay shacabka, waxaana la is weydiinayaa goorta aay oday dhaqameedka noqdeen masuulka shacabka iyo in aay iyaga la xisaabtami doonaan dowladda.

Sida caadada ah waxaa marka ay talo faraha ka baxdo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe la laaluushaa hoggaanka dhaqanka si ay u dejiyaan xaaladaha cakiran, balse tani waa ka duwan tahay kuwii hore, Axmed Xuseen oo la hadlay MOL ayaa sheegay. “Waxaa dowladda ay xalaaleysatay dhiigga dhalinyarada ku xamaasha mooto Bajaajta, kuwaasoo tiro ahaan kor u dhaafaya 25 kun oo dhallinyaro, waana kuwa wada mudaaharaadyada, umana joojin doonaan oday dhaqameed lasoo laaluushay”

“Dowladda Federaalka ah ayaa isku dayday in ay xoog kaga saarto hoygiisa Senator Muuse Suudi Yalaxow, kama aaysan hadlin Maxamed Yusuf & Maxamud Cali Ugaas; maxaa caawa ka hadalsiiyay haddaanan lasoo laaluushin” Ayuu yiri Cali Farax Qoore oo la hadlay MOL.

Halka hoose ka daawo shirka jaraa’id ay qabteen