MOL ayaa idiin soo warisay in agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka JFS loo magacaabay si qarsoodi ah Karar Doomeey bishi May ee sanadkan 2018. Madaxtooyada JFS ayaa lagu wadaa in ay u magacowdo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Karar Doomey oo ka mid aha howlwadeenada SOMA-OIL una shaqeyn jiray RW Xasan Cali Kheyre.
Karar Doomey aya ka soo jeeda beesha Madaxweyne Farmaajo, waana xoghayihii seddexaad ee uu u magacaabo Madaxweyne Farmaajo rag ay isku heyb yihiin. Dhammaadkii bishii Ogosto ee sanadkan ayuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Xogyaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame oo isna ku hayb ah Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Madaxweyne Farmaajo aya noqday mid ay si xowli ah uga socota musuqmaasuq ku saleysan hayb sooc lagu wada shaqaalaha wasaaradaha iyo saraakiisha ciidanka isagoo beegsanaayo in uu xilalka ka qaado saraakiisha sare ee beelaha kale una magacaabayo rag ay isku heyb yihiin oo dhamaantood u dhashay beesha Mariixaan.
Iyadoo uu amnigi faraha ka baxay aya waxaa bilaabatay caburin shacab oo dhan walba ah, taasoo keeni doonta ugu danbeynta in ay bilaabato kacdoon shacab.