Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay u amba baxaan Dalka Rwanda xili xiisad siyaasadeed ay ka jirto dalka.
Shir madaxeedka Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa lagu wadaa in maalinta Arbadacada ah uu ka dhaco Dalkaasi iyada oo ay tagayaan in ka badan 35 hoggaamiyayaal dal.
Waddamada xaqiijiyay in ay madaxweynayaashooda tagayaan shirkaas waxaa ka mid ah; Niger, Uganda, Chad, Congo Brazzaville, Djibouti, DR Congo, Togo, Mauritania, Gabon, Guinea, Senegal, Kenya, Mali, Madagascar, Guinea Bissau, Mozambique, Nigeria, Burkina Faso, Central African Republic, Libya, Comoros, Sahrawi, Ghana, Lesotho, The Gambia, Somalia, Angola, Zimbabwe iyo South Africa.
Sidoo kale Waddamada Xaqiijiyay in uu ku matalayo Madaxweyne ku xigeen,Ra’isalwasaare ama Wasiir arrimo dibadeed waxaa ka mid ah; Ivory Coast, Seychelles, Morocco, Swaziland, Tanzania, Benin, Malawi, Mauritius, Botswana, Cape Verde, Egypt, Namibia, Sao Tome, Tunisia, South Sudan iyo Eritrea.
Dadka kale ee ka qeybgelaya waxaa ka mid ah wakiilka Guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobey ee Afrika Vera Songwe , Guddoomiyaha Bangiga horumarinta Afrika Adesina Akinwumi, iyo Xoghayaha guud ee Ururka Ganacsiga ee COMESA, Sindiso Ngwenya.
Inta badan hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qeybgelaya shir madaxeeda lagu saxiixayo Ganacsiga xorta ah ee Afrika ayaa maanta iyo Berri tagaya Dalka Rwanda.