Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shaqooyinkiisii u wareejiyey Xarunta Gaashaandhigga Soomaliya.
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan ilaa iyo hadda soo dhex gelin khilaafka ka dhexjira Golaha Shacabka,isla markaana uu yahay qof wax ka og.
“Runtii mudo 20 maalmood ku dhawaad ayuu khilaafkaan jiraa madaxweynuhu waa nin aaminsan xoog iyo inqilaab,waxa la rabay in uu khilaafkaan ku soo baxo hadii uusan ku soo bixin wuxuu ku jiraa kaambeyn waan is ognahay,wuxuuna Gaashaandhiigga u degay in uu dalkan xoog ku qabsado ayuu yiri Fiqi”
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu khilaafka dalka ka jiray uu la saftay xukuumadda,isaga oo sheegay in Sanadkii 2010,kii khialafkaan oo kale uu dhacay balse madaxweynihii xiligaas joogay uu si hoose wax u xaliyey laakin madaxweyne Farmaajo haatan waxa dalka ka socda uu raali ka yahay.