Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray Gen.Caanood Iyo Saraakiil Xilalka Laga Xayuubinaayo!!!

Reading Time: < 1 minute

Xili manta ay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya gaar ahan Kuwa Xooga Dalka ay weerar gaadmo aha ku qaadeyn Xerada Jeneraal Gorod oo ay Imaaradka ku tababari jireyn Ciidanka Dowlada.

Ciidankan oo uu hogaaminayay Jeneraal Caanood aya waxa ay isku dayeen in ay dhac iyo boob ka geystaan Saanada Milatari ee Xeradaasi ugu keedsana Ciidanka ay dowlada la waregeyn ee uu Imaaradka uu halkaasi ku tababaray fadhiisina u ah.

Sida ay shegayan saraakil ka tirsan Wasarada Gaashandhiga Madaxweyne Farmaajo aya u yeeray jeneraal Caanod iyo Saraakiishii fuliyay Weerarka iyado wax laga weydiinaayo sababta ay ugu xadgudbeen Xeradaasi iyo cida ay ka amar qaaten.

Jeneraal Caanood ayana Canan kulul kala kulmay Madaxweyne Farmaajo kadib weerarka iyado laga yaabo in isbadalo ku aadan Xilalka sare ee Cidanka wax ka badal lagu sameeyo.

Sido kale waxa la filaya in Xilalka laga xayuubiyo Saraakiishii fuliyay Weerarka iyado hatan looga yeeray Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.
Weerarka Manta aya sababay dhimasho iyo waxyeelo soo gaaraty shacabka ku socdalayay agagaarka Xerada lagu dagalay ee Degamada Hodan.