Gudoomiyahii Hore Ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo garoonka si weeyn loogusoo dhaweeyay,waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in uu u Yimid Dalab uu usoo diray Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Taabid Cabdi Maxamed ka codsaday in uu dalka dib ugusoo laabto,waxaana la filayaa in xil loo dhiibo kaasi oo qanaaco looga dhigaayo.
Xog-hoose oo aynu helnay ayaa waxaa ay Tibaaxeeysaa in Gudoomiyahii Hore Ee Gobolka Banaadir la filaayo in loo magacaabo Safiir Mid ka mid ah Dowladaha Soomaaliya Xariirka dhaw la leh.
Dhanka kale R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ayaa baqdin weeyn ka Muujinaayo Imaatinka Taabid Cabdi Maxamed oo Xifaaltan adag uu ka dhaxeeyo,waxaana lagusoo waramayaa in uu kheeyre sameeynaayo Dadaal oo Damacsan yahay in uu ka hakiyo Dhaqdhaqaaqiisa.
Hadii Gudoomiye taabid Cabdi Maxamed oo ku fashil-may Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir Loo dhiibo Safiirnimada Mid ka mid ah Dalalka Soomaaliya Saaxiibka la ah Ama uu kasoo dhex-muuqdo Golaha Wasiirada lagu dhawaaqaayo maalmaha soo socdo waxaa ay Noqon kartaa iyo Farmaajo Iyo Kheeyre Isku dhacaan.