Madaxweyne Farmaajo oo shalaayto ka taagan Safarkii Asmara ka dib Go’aankii Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Kadib Warsaxaafadeedkii Dowladda Jabuuti iyo Wareysigii ay Voa da layeelatay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaliya waxaa isi sootaray wararka sheegay in haatan Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu haatan quus ka taagan booqashadii uu ku tagay Caasimada Dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tagay Dalka Eritrea waxa uu beesha Caalamka ka codsaday in xayiraada Hubka ee Eritrea laga qaado maadaama Eritrea horey loogu soo eedeeyay iney garab siiso kooxaha ay reer galbeedka ugu yeeraan Argagaxiso waxaana taas ay dhalisay muran badan iney ka keenaan qaarka mid ah Dalalka Caalamka iyo kuwa geeska Afrika.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti ayaa ah mid aanan wanaagsaneen taasoo sabab u noqoneysa in Jabuuti ay xiriirka diblumaasyadeed ee haatan ay la leedahay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa ayaa Safiirkii u fadhiyay Soomaaliya kala baxday taasi oo cadeeyn u ah in xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Soomaliya iyo Jabuuti uu sookala dhexgalay madmadow

Sikastaba ha ahaatee warar hoose oo aanka heleyno ilo kudhow Madaxweynaha ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo uu ka shalaynayo in uu xiriir la yeesho Dowladda Eritrea oo Garab siisa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al shabaab sidoo kale wuxuu xiriirka Eritrea uu kuwaayay sidoo kale Dowladda Jabuuti oo inbadan Caawin jirtay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.