Xili maanta ay Warbaahinta kula hadleyn Madaxwene Farmaajo iyo Gudoomiyihi Xilka isaga tagay ee Maxamed shiiq Cismaan Jawaari Xarunta Madaxtoyada Soomaaliya aya waxa halkaasi ka muuqday in Gudoomiyaha Golaha Shacabka lagu qasbay in uu is casilo.
Gudoomiye Jawaari aya tira dhowr jeer ah horay u shegay in uu Xilka iska casili doonin marnaba sharcigana lagu kala bixi doono.
Kadib markii uu Golaha shacabka ka dhex aqriyay Cabdi wali Mudey Gudomiye ku xigeenka Golaha Shacabka aya waxa arintaasi ay noqotay mid ka yaabisay Bulshada iyo Xildhibaanada Baarlamanka madama Gudomiyihii Xilka iska Casilayay aysan ka so bixin wareegto ama wax cadeynaya in uu is casilay.
Waxa cidi ka qorsoonen in Xukuumada Xasan Cali Kheeyre iyo Madaxweyne Famaajo ay ku cadaadiyeen Gudoomiye Jawaari in uu Xilka isaga dago.
Gudoomiye Jawaari aya waxa uu maanta u muuqday mid mudo wadahadalo ah iyo cadaadis saarnaa in uu kaso baxay Cadaadiskaasi oo sababay in ugu danbeyn laga Saxiixo Warqadiisa is casilaada.
Bulshada Soomaaliyeed aya ku amaanay Ficilkii uu sameeyay Prof Jawaari iyo uu si nabadoon nimo ah u dhaqmay,maadama uu u tanaasulay qolyihii Foodada ka dhex waday Golihii uu madaxda ka ahaa isago danaha shacabka soomaaliyeed ka shaqeynaya.