Wararka aynu ka heleeyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka socdo kulan u dhaxeeyo odayaasha dhaqanka Maamulka K/Galbeed kuwaasi oo ka arinsanaayo dhibaatooyinka laga soo abaabulaayo Villa Soomaaliya.
Odayaasha ayaa kulanka xoogga ku saaraayo sidii ay u qancin lahaayeen Maleeshiyo beeleed laga cabsi qabo in ay ku dagaalamaan Magaalada Baydhabo ka dib markii laga soo abaabulay Villa Soomaaliya qorsho la doonayo in la isaga horkeeno qabaa’ilka degan magaalada Baydhabo.
Labada beelood oo kala ah kuwa dadkii baydhabo lagu dilay iyo kuwii dilay kala ah ayaa la dhex-dhigay colaad. Beesha Liisaan iy Beesha Xariin ayaa laga yaabaa in uu dagaal ku dhex maro magaalada baydhabo.