Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa mooshin waxaa ay ka diyaarinayaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Mooshinkaasi oo la rumeeysan yahay in laga soo abaabulaayo Madaxtooyadda Soomaaliya
Aqoon-yahan jaamac Cilmi Janagalle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan Suura-gala heeyn Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaana ka warqabin Duullaanka Jawaari,waxuuna xusay in ay qasab tahay in uu jiro Abaabul iska warqab oo ka dhaxeeya Farmaajo Iyo Xassan Cali kheeyre
Jaamac Janagalle ayaa sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in sababta loo saaraayo Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh cusmaan jawaari in ay tahay kaliya in la keeno shaqsi NACAMLEEYE ah oo aan marnaba ka hor imaan danaha gaarka ah ee xassan cali kheeyre oo garab lixaadleh ka heleeya Kooxda Qiyaano qaran jamaahiirtooda.
”Mid aan umada loo sheegi karin ayaa jirta oo ah madaxweyne farmaajo ma ogo waxybaaha uu ku kacaayo hogaanka xukumada,madaxweyne dadku maahan kuwa aad marba dhinac u jeediso ee Ogoow” Ayuu yri Aqoonyahan jaamac Janagalle
Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa waxaa Go’aan ay ku Gaareen Kooxda Qiyaano Qaran in Xilka ka qaadaan iyadoo loo adeegsanaayo Xildhibaano Laaluush-qaatayaal ah,waxaana qorshaani Xoogiisa iskaleh R/wasaare Xassan Cali Kheeyre
Burburinta Golaha shacabka Ee Wanaagga ku dhisan waxaa diyaar u ah in uu carqaladeeyo oo uu dumiyo C/wali Shiikh Ibraahim Muudeey,kaasi oo garab xoogan ka helaaya Fahad yaasiin oo ay qaraabo yihiin iyo kheeyre