Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Qaar Kamid ah Dhalinyarada Gobolka Banaadir

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada gobalka banaadir isagoo ka xog wareeystay marxalada ay haatan ku sugan yihiim isagoo sheegay in lobahan yahay iney ka qeeyb qaataan dadaalada lagu hormarinayo dalka

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.