Madaxweyne farmaajo oo la Cadeeyay in uu Maamulka Dowliga ah Wadi La’yahay!!

Reading Time: < 1 minute

Muqtaar Maxamed Cali oo ah Siyaasi Falanqeeya Siyaasada Dalalka Afrika Qaas ahaan Waddanka Soomaliya ayaa carabka ku dhuftay in Farmaajo uu yahay Shaqsi ku cusub Saaxada Siyaasada Somaaliya wuxuuna intaasi siiraacsiiyay in aanla aqbali Karin in Madaxweyne Soomaaliyeed uu qaar kamid ah Dekadaha Dalka sheegaya inuu ku wareejiyay Waddanka Itoobiya isagoo og cilaaqadka ka dhaxeeyay labada Dal

Waxaa uu sheegay Siyaasi Muqtaar in Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo inuusan laheen Qibrad  uu ku Hogaamin karo Dalka iyo Dadka Somaaliyeed Wuxuuna sheegay in MadaxweyneFarmaajo inuu yahay Shaqsi Cuqdad u qaba Shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Muqdisho

Wuxuu sheegay Siyaasi Muqtaar in Madaxwenaha uu horay usii wadi waayay Horumarada Dalka isagoona Nafis u arkay inuu Dowladda Itoobiya ku Wareejiyo Hantida Dadka Soomaaliyeed

Wuxuuna intaa Hadalkiisa Kudaray Siyaasi Muqtaar In Hadalka Madaxweynaha uusan jirin meel loo raaco maxa yeelay Madaxweynaha isaga ayaa Sheegay in Itoobiya aanay heysan wax Daqliya marka side ayey Dowladda Itoobiya Ku Maalgineysaa Dekadaha Dalka

Siyaasi Muqtaar ayaa intaasi ku daray in marka uu Dal marka uu Galayo Heshiis ay Tahay in uu Dalka u Xiran Xudduuda Dhulka iyo Xuduuda Cirka marki ay intaasi Xiran yihiin Dalka iyo Dadka ay Heshiis gali karaan waxa uu Sheegay in Dowladda Soomaaliya in loo Baahanyahay in ay yeelato Nidaam lagu soocelin karo Sharaftii ay soomaaliya ku laheed Qaarada Afika iyo guud ahaan Caalamka