Madaxweyne farmaajo oo ku Guul-dareeystay in uu dhex-dhexaadiyo Kheeyre Iyo Fahad Yaasiin!!

Reading Time: < 1 minute

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa uu xooga-saarayaa in uu dajiyo Khilaafka Xoogan ee ka dhex cursan R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad yaasiin Xaaji daahir.

Waxaa ay Muqdisho Online Saacado ka hor idiinsoo Baahisay in R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre uu Madaxweyne Farmaajo uga Ashtakooday Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad yaasiin Xaaji daahir oo khilaaf ka dhex Aloolsan yahay,Madaxweynahu waxaa uu arinta ku dhameeyay in Wada-hadal lagu xaliyo.

Balse  Xassan Cali Kheeyre oo cabsi weeyn ka qaba Fahad yaasiin Xaaji daahir  ayaa dhoofay iyadoo lagu balansanaa in Labadooda la heshiisiiyo oo Xaalada laga dhigo mid Caadi,Xogtuna waxaa ay intaas ku dareeysaa in Fahad yaasiin uu ku goodinaayo wali in uu kheeyre Meesha ka saaraao.

Fahad yaasiin Xaaji daahir  oo ah Milkiilaha Dowlada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku shaqeeyaa Amarkiisa waana mida ugu weeyn ee R/wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre uu baqdinta ku Muujinaayo.

Ishii ugu Dambeeysay ee Muqdisho Online ayaa waxaa ay soo Tebineeysaa in Madaxweyne Farmaajo uu ku guul-dareeystay in uu dhameeyo Khilaafka xassan Iyo fahad yaasiin.

Milkiilaha Dowlada Fahad yaasiin Xaaji daahir ayaa Aruursaday Xildhibaano badan kuwaasi oo duulaan ku qaadi doona R/wasaare Kheeyre iyadoo mooshin laga carfinaayo Villa Soomaaliya kaasi oo ay  u dhaw-dahay in uu ku Baxo Kheeyre