Madaxweyne Farmaajo oo Ku Guul-dareeystay Hirgelinta Balanqaadyadii Ugu Dambeeyay Iyo Baaq loo Jeediyay oo uu dhegaha ka Fureeystay!!

Reading Time: < 1 minute

Muqtaar maxamed cali oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo uu ku fashilmay siyaasadaha dibada iyo gudaha taasi oo dhabar jabku ah bu yiri horu socodka soomaaliya.

siyaasi muqtaar ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu ku qaldanaa in uu dad aan darajo anan gaarin u siiyo iyo in qof aanan aqoon u laheen maamulka iyo hogaaminta ciidmada uu hogaanka ciidamada uu ku wareejiyay.

sidoon kale waxa uu carabka lu dhuftay in haatan loo baahanyahay iney iska tanaasulaan kooxda qiyano qaran si dalka loo badbaadiyo oo marxalada adag ee uu hatan uu ku jiro lagaga saaro.

ugu danbeeyntii siyaasi muqtaar maxamed waxa uu ka dhawaajiyay in dagaalkii ay dowladda sheegatayn inlala galayo kooxda al shabaab uu yahay mid haatanba sii fashilmay maadamada ciidamada muraalkii ay lahaayeen lagu jabiyay magacaabista indha qarshe oo loo magacaabay taliyaha ciidamda xoogga dalka.

Madaxweyne maxamed c/laahi farmaajo ayaa isbedel aan la fileeyn ku sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda isagoo ragii uu kaga dhigay hormuud hay’addaha ay siyaasiyiinta taxliiliya arrimaha siyaasada soomaaliya ay ke sheegeen isbedelka farmaajo inuu yahay mid uu kaga gol leeyahay baabi’inta hay’adaha dowladda .