Madaxweyne Farmaajo oo Ku Fashilmay Wada Hadalada Golaha Shacabka Xili Xukuumada Ay Qorsheyneyso In Berito Fooda La Isa Saaro

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xoogeystay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex jirta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalmihii ugu danbeysay la isku dayayay in Waanwan laga dhex bilaabo si xiisada lo dajioyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu waday in uu dhex  dhexaadiyo maadama uu Dastuurka Dalka uu farayo aya faraha kala baxay wada hadalkii uu ka dhex waday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo aya Xildhibaanada mooshinka ka wada Guddoomiye Jawaari ay ka diideyn Dhex dhexadinta Golaha Shacabka ,kuwaasi oo ku doodaya in aysan diyaar u aheyn in Jawaari uu meesha sii joogo.

Gudiyo uu soo magacaabay Guddoomiye Jawaari iyo madaxweyne Farmaajo aya Xalay kulamo ku laha Madaxtooyada Soomaaliya waxaana kulamadasi lagu donayay in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka,waxaana la shegay in Gudigaasi ay ku gacan seereyn dalabkii ay hor dhigeyn Madaxweyne Farmaajo.

Maalinta berito ah ayaa loo balansan yahay in kullan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada si cod loogu qaado mooshinka Jawaari,waxaana Guddoomiye Muudeey uu xildhibaanada ugu baaqay iney fadhiga soo xaadiraan.

Xiisada aya hada u muuqata mid Maalinta berito ah ay dhici karto halistii dhacday Todobaadkii hore oo Golaha Shacabka ay buux dhaafiyeen Ciidamo ka amar qaata Xukuumada Soomaaliya oo Wasiirka Amniga Islow Wadooyinka iyo Iridka Xarunta Golaha Shacabka uu ku daadiyay iyado Xildhibanada Garabka Jawaari lo diiday in gudaha Xarunta ay galaan.