Balan furka oo ah axdi La’aan ayaa waxaa ay dadka qaar qabaan in uu ku soo can baxay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana uu beeneeyay Balanqaadyo Fara badan oo uu horay u sameeyay.
Madaxweyne Farmaajo oo hada mooshin uu ka yaal Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay waqtigii uu Ololaha Musharaxnimo ku jiray in aan la arki doonin jid xirnaanaya islamarkaana uu gali doono gawaarida Qafilan hadii xaalad amni xumo ay timaado.
Aqriste waxaan kuusoo gudbinayaa Muuqaal kooban oo Cadeeynaya Shaqsigga uu yahay Madaxweyne Farmaajo iyo beeneeynta Balamahii uu shacabka la galay.
Xildhibaanadda Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa la gudboon in ay shacabka beentu lagu Ragaadiyay ay u diir naxaan