shacabka soomaaliyeed ayaa haatan u muuqda kuwa ka niyad jab Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
inta uu talada Dalka hayo Madaxweyne farmaajo waxaa dhacay qaladaad aysan marna shacabka niyadooda iloowi karin kuwaasi oo dib u celinaya Qaranimada ay rabeen bulshada Soomaaliyeed.
Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay muhiim tahay in madaxda dalka ay eegaan rajo xumida shacabka haatan heysata sidaa daraadeedna ay isaga tanaasulaan shacabka.
”farmaajo iyo kheeyre hadii aysan u muuqan bohosha ay qaranimada ku rideen bal ha eegaan rajo xumida heysata shacabka waxaa xaqiiqa ah in shacabka uusan doneyn iney arkaan dalka oo la burburinayo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdi Barre Jibriil.
dhanka kale waxaa uu ka dhawaajiyay in madaxweyne farmaajo uu yahay qof aanan ogeeyn waxa dalka ka dhacaya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka uu ku jiro inuusan la socon.
”dhabtii ma ogi sababta uu iskaga qarinayo madaxweynaha marxalada dalka uu marayo iyo siyaasadaha is qalafsan ee dalka lagu maamulayo haatan balse waa xaqiiq shacabka ma doonayaan mooge inuu hogaamiyo’ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Cabdi Barre.
ugu danbeeyntii Ex Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil waxaa uu soo hadal qaaday xirirka cusub ee ay yeelan doonaan Dalalka Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya.
”dhab ahaan waa bahdil lagu sameynayo shacabka soomaaliyeed miyey sax tahay in naloo jebiyo itoobiya oo colaad ay na dhex taalo shacabka siyaasiyiinta soomaaliyeed ma aqbali doonaan in heshiiskaan uu hirgalo”ayuu kusoo gaba gabeeyay Ex Xilshibaan Cabdi Barre Jibriil.
hadalka cabdi barre jibriil ayaa kusoo beegmaya xilli ay shacabka soomaaliyeed ay ka muuqato qanac sanaan la’aantooda ku aadan madaxweyne farmaajo oo ay shacabku arkeen iney =san jirin wax farmaajo uu galo ama uu gudo.