Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Ciraaq Barham Saalah

Reading Time: < 1 minute

 Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana Shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.