Madaxweyne Farmaajo oo hal qof u toogtay dhagar qabayaashii fuliyay qaraxii Zoobe

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo ka soo jeeda beesha Digil & Mirifle oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

Waxaa kale oo jira dhagar qabeyaal qeyb ka aha gaarigii ku qarxay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen shacab aad u farabadan, balse kuwaa lama toogay waxaana go’aanka lagu bartilmaansaday Aadan Isaaq uu keenay su’aalo badan iyo shaki sababta loo toogan waayay kuwii ka danbeeyay gaariga xamuulka ah ee ku qarxay isgoyska Zoobe sanad ka hor.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan iyo kuwo kale oo lagu soo eedeeyay qaraxii Zoobe horey ugu xukuntay xukun dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah sanad kadib markii qaraxaasi uu dhacay.

Zoobe waxaa ku dhintay 800 oo qof, 400 oo dhaawac ah, hantida wax ku noqoray waa 80 xarumo ganacsi ah oo isugu jira carwooyin, hoteelo, xafiisyo, dukaanno, xawaalado, shirkado, kaalimo shidaal, madbacado, maqaayada iyo kuwa kale, waxaa lagu qiimeeyey khasaaraha guud ilaa $6,500,000.

Qaraxa kadib, Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaare Kheyre waa tii ay dhaarteen, hey’adihii amniga ayaa dhowr jeer la badalay, mas’uulka hore waxaa uu safaro degdeg ah ku tagay Uganda, Itoobiya iyo Djibouti, waxaa uu dadka geliyey rajo weyn iyo in loo aargudi-doono.

Sanad kadib, hal qof ayey saaka toogteen, weli waxaa wasiirka amniga ah Ganacsade Abukar Islow Ducaale, dad masaakiin ah ayey xaafadaha kasoo wadeen, oo maryo cad u qeybiyeen, jidadkii ayaa laga xiray shacabka, khudbado iyo calaacal ayey goobtii qaraxa la tageen, waa madax aan shicibka waxbo dhaammin.