Madaxweyne Farmaajo oo Gudoomiye Maxkamadda Sare u magacaabay Nin la tuhmaayo in uu Xariir la leeyahay Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, kaddib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan oo mudo haayay xilkaan

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka soo jeeda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay, xilal kala duwan ayuuna kasoo Qabtay.

Warar hoose oo aan helnay ayaaa waxaaa ay sheegayaan in xariir hoose uu kala dhaxeeyo Kooxda Al-shabaab, waxaana lala yaaban yahay sababta xilkaaan loogu magacaabay.

Sidookale Baashe Yuusuf Axmed  ayaa lagu xiray Dalka Jabuuti iyadoona loo xiray inuu ka midyahay ururuka Al-shabaa oo ay caalamku u aqoonsanyihiin Argagaxiso iyadoona markii danbe ay iska soo deesay kadib markii qaab qabiileed arintiisa loo galay.

Waxaa uu horaantii sanadkan loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay.

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

Dadka yaqaana Baashe ayaa sheegaya inuu yahay nin ujanjeera dhanka iyo kooxaha xagjiriinta ah oo ay kamid tahay Al-shabaab.