Madaxweyne Farmaajo oo Gabay Hadaladi uu Ku Hadaaqi Jiray Markii uu Aha Musharax, Dalkana Wuxu Ku Hugaaminaya Burbur Iyo Dagaal Aawey 4-tan Sifo!

Reading Time: 2 minutes

Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu maanta muujiyay in uusan daneeneynin Dalka iyo horomarkiisa madaama uu dalku ku dhawaad 20-sano uu ku jiray Xasilooni daro iyo dagaalo sokooye.

Dalkeena Soomaaliya waxa dhibaato xoogan ay ka jirtay Koonfurta dalka Gaar ahan Caasimada Dalka ee Muqdisho,iyado Marxalado kala duwan ay soo mareen Dadka ku dhaqanaa Muqdisho.
Masuulin kala duwan aya dalka soo gaarsiyay Meeshan hada uu taagan yahay Gaar ahan Madaxweynayaashii ugu Danbeyay ee Shariif Shiiq Axmad iyo Xasan Shiiq,kuwaasi la dhihi xiligii ugu adkaa Dalka ayay soo maamuleeyn oo qataro amni ay jireyn.

Sida muuqata Xiisadaha hada jira horay waa ay udhaceyn madaxdii kala duwana ee dalka soo maray aya u kuur galay Xalinta dhibaatoyinkaasi si walba oo ay u adkaato Hadaba Maxa u diidaya in uu qaato kaalintaasi oo kale.

Waa Kuwan dhacdoyinkii uu gabay oo ku hadaaqi jiray ka hor inta uusan Madaxweyne Noqon

1. Siyaasad furfuran: Maxamed Cabdullahi Farmaajo Maanta Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay Siyaasad furfuran iyo inuu Farmaajo fahmo meesha loo socdo, isla markaana uu ka guuro wax badan oo ka hor istaagaya horumarka dalka taa badalkeeda nooma muuqato hada!

 

2. Diblomaasi: Madaxweyne Farmajo waxa uu shegay in uu yahay dib lumaasi yaqaana in uu xaliyo dhibaatoyinka siyaasadeed aysan dhici doonin is qabqabsi siyaasaded waxanan muuqan in aysan jirin dhaqan diblumaasi iyo mid masuuliyad maadama uu garab is taag u sameeyay Kooxda qaska ka wada Golaha Shacabka ee Kheeyre iyo Fahad Yasiin iyo Muudeey oo fulinaya amarkooda.

3. Kalsoonida shacabka: waxa uu horay u shegay in uu kasban doono kalsoonida shacabka Maanta waxaa hubaal ah in aaney wada socon shacabka iyo xukuumadda,sow lama joogo inuu dhiso xukuumad kasban karta shacabka, si loo wada socdo!

4. Maxa la gabay: madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayay dulqaad iyo inuu kala yaqaano dadka la socon kara iyo cidda ay wada-shaqeyn karaan, aawey maanta xikmaddaasi.

Mar haddii uu ka leexday jidkii uu lahaa waan qaadayaa, mar haddii uu cashar ku qaadan waayey sooyaalka siyasadda Soomaaliya ee 18-kii sano ee ugu dambeysay waa Qiyaano Qaran oo hor leh oo dib no celineysa madama uu dadka u shegay in uu dalka hagajinayo oo uu wax ka badalaayo.