Madaxweyne Farmaajo oo Faarax Macalin ku Qanciyay in Axmed Madoobe La Cirdeeyo ka dibna la Geeyo shaqsi ay isku Beel Yihiin

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Faarax Macalin oo Horay usoo Noqday Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya,waxaa ay ka wada-hadleen sidii loo Burburin lahaa Maamulka dhisan ee Jubbaland

Kullanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa Goobjoog ahaa wasiiro ka tirsan Xukumadda Xassan Cali Kheeyre Gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Deegaanadda Maamulka Jubbaland

Madaxweyne Farmaajo Ayaa doonayo in qof ay isku beelyihiin uu madaxweyne uga dhigo maamulka Jubbaland, haddii ay suurtagasho in meesha laga saaro Axmed Madoobe waloow qorshahaas ay adagtahay sida uu ku suurta gali karo maadaama Axmed Madoobe uu kawarhayo shirqoolka Farmaajo iyo dagaalka uu u, adeegsnaayo ninka ay isku beesha yihiin ee Faarax Macalin.

Farmaajo iyo Faarax ayaa kawada hadlaya qaabka ugu fudud ee meesha looga saari karo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ah nin aad u siyaasad badan,waxana siyaasiga Faarax Macalin oo ay isku qabiil yihiin Axmed Madoobe loo arkay ninka kaliya ee loo adeegsan karo dagaalka Axmed Madoobe si meesha looga saarayo,iyadoona lagu wareejinayo lacag ay bixisay dowladda Qatar oo la doonayo in lagu burburiyo maamulka madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka dheregsan yahay qorshaha Lagu diyaarinaayo,waxaana Suuragal in Faarax Macalin oo la qorsheeynaayo in uu Kismaayo Tago loo Diido

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!