Madaxweyne Farmaajo oo Damacsan in uu Jawaari ku Qanciyo in La Cirdeeyo Kheeyre!!

Reading Time: < 1 minute

Xili shalay xiisad adag oo siyaasadeed uu dalka galay iyado Xildhibaanada ka biyo cabayay Xukuumada Kheeyre ay doonayeen in ay foodo ka kiciyaan Xarunta Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo aya xal uraadinaya xiisada kacsan ee siyaasadeed sidi lagu qaboojin laha iyado uu shalay Gudoomiye Jawaari ku qanciyay in kulankii Golaha dib lo dhigo.

Wararka anu heleyno aya shegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Gudoomiye Jawaari ku qancinaayo in Kheeyre la cirdeeyo si Xiisada Siyaasadeed ee dalka lo dajiyo.

Sido kale Madaxwene Farmaajo aya dhalaceyn kala kulmay Beesha Caalamka ka dib isku dayada uu sameynaayo Xasan Cali Kheeyre si uu qaab awoodeysan ula wareego Golaha Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Kheeyre aya u muuqda mid uu gabalkiisii sii dhacaayo iyado cadaadiska ugu daran uu hada saran yahay Xilli Madaxweyne Farmajo Iyo Gudomiye Jawaari ay ku heshiiyeen in Kheeyre la cirdeeyo.