Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
130 days
06 hours
00 minutes
42 seconds

Qoraal fartiin ah oo loo soo diray xidhibaanada BJFS oo nuqul ka mid ah soo gaaray xafiiska MOL ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada in maalinta berri ah uu Baarlabaanka hor iman doono Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka ayaa lagu sheegay in uu yahay uu Madaxweynaha u jeedin doono xubnaha Baarlabaanka warbixin. Lama oga warbixinta nooca ay tahay, balse xeel dheerayaal ka faallooda siyaasadda oo MOL ay la xiriirtay ayaa ku macneeyay in seddex mid ay noqon karto warbixinta.

  1. In Madaxweynaha uu ku qanciyo Baarlabaanka in ay ogolaadaan doorasho dadban, fursadna siiyaan Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabi doono in uu la yimaado muddo kordhin.
  2. Ama in uu Madaxweynaha uu ka warbixin doono shirkii Dhuusomareeb, uuna rabo in berrito uu halkaa ka qaato wixii uu la tagi lahaa shirka Dhuusomareeb 3, maadaama uu kol hore u sheegay hoggaanka DG ee ka soo qeyb galay Shirkii Dhuusomareeb in uu go’aanada dib ugu celin doono Baarlabaanka JFS.
  3. Iyo in uuba gebi ahaanba sheego in uu wadi waayay hoggaanka dal halkaana berri isku casilo xilkana kumeel gaar u noqdo Guddoomiye Maxamed Mursal

Farriinta loo soo diray xildhibaanada ayaa u qorneyd sida hoos aad ka aragto.

Xil Beri oo Sabti ah Tar 15 Aug, waxaa jira Kulan weynihii Golaha.
Agendaha.

  • Warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka Saacadu waa 09:00 subaxnimo