Madaxweyne Farmaajo oo ay Rooma ku soo dhoweeyeen Solo, Maxamed Ismaciil, Cagmadhige iyo heshiisyo khater ah oo soo socda

Reading Time: 3 minutes

Waxaa dalka Talyaaniga ku qabsatay bahdilaad tii ugu xumeyd Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajo, kadib markii safaardda Somaliya ee Roma loo diidiay iny iyadu maamusho habmaamuuska booqashada Madaxweynaha.

Inkastoo ay diiday inay safaaradda ka haadasho khaldaadka dhacay haddana dad ku dhow safarka mdaxweyanaha waxay MOL u sheegeen inuu ahaa ninka loo aaminay inuu maamulo Balal Cisman, kadibna uu la wareegay wax waliba oo ku saabsan booqashada.

Madaxweynaha oo ay ka muqatay caro ayaa  maalintii labaad ee la siinayey salaam Sharaf waxaa uu dhex dabaashay jebinta hab maamuuska ciidanka salaan sharafta bixiya oo aan xataa loo sheegin qaabka uu wajahayo iyo sida ay wax u dhacayaan.

Sidoo kale mar ay rabtay Universal inay weydiiso booqashada iyo ujeedadeeda intii aan waxba la weydiin ayuu iska jawaabay caro darted.

Dhinaca kale ma jirin cid ka socota mas’uuliyiinta sare ee dawladda Talyaniga oo soo dhaweysay Madaxweynaha  ee waxaa loo soo diray sarkaal hoose si loogu muujiyo heerka uu gaarsiiyey xiriirka Talyaniga iyo Somaliya, mana jirin madax uga hortimid garoonka dayuuradaha.

Waxaa qol loogu diiyriyey ilaa tobaneeyo qof oo ay horkacayeen Cabdinasir Solo, ciyaaryahan Maxamed Ismaaciil iyo wariye Cagmadhige. Soo dhaweynta kama muuqan shacab iyo bulshada faraha badan ee Somaliyeed oo Talyaniga deggan.

Kadib maalintii labaad oo ay is arkeen R/Wasaaraha Talyaniga waxaa miisa loo saaray inuu ka haro sheegashada arrinta badda ee u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya iyo inuu Talyaaniga hogaamiyo ku darista Somaliya ee Itoobiya. MW Farmaajo oo hadda jooga magaalada Roma wadanka Talyaaniga, ayaa kulamo kula qaatay R/wasaaraha Talyaaniga iyo amiirka Qatar oo isna booqasho lasii qorsheeyay ku joogay Roma, lagu dhinacyo garaacay inuu ogolaado waxa laga rabo haddii kale Qatar ay is deyn doonaan oo gamcaha ka laaban doonto.

Waxaa wadahallada Talyaaniga xooga lagu saaray sidii ay Soomaaliya uga tanaasuli lahayd muran badeedka kala dhaxeeya Kenya.Arinta waxaa dabada ka riixaya shikarada Betroolka ee ENI. Dowlada Kenya ayaa dhulka ay Soomaaliya kula muransan tahay u kaashaneysa  shirkada ENI (Ente Nazionale Idrocarburi) oo ah shirkad ay  ay maamusho wasaaradda Lacagta ee Talyaniga oo leh saamiga ugu badan waxayna saameyn xoog leh ku leedahay shirkadaas siyaadadda dibadda ee Talyaniga.

Farmaajo ayaa loo soo jeediyay in loo sii wadi doono dhaqaalaha uu ka helo Qatar haddii wadahadallaan ay guul ku dhamaadaan, waxaasa la hubaa in guusha wadahalladan uu yahay jabka Somaliya.

Xogtu waxay leedahay sababahan ayaa madaweyne Framajo loogu yeeray Rooma:

  1. In dhulbadeedka Soomaliyeed oo ay rabto inay Kenya qaadato loo kala baro labada dal oo waliba qeybaha uu shidaalka ku jiro la siiyo dalka Kenya. ENI oo ali wada shidaal baaris ka wada dhulkaas ayaa Keny kula safan arrintaan.
  2. In Talyaaniga uu garwadeen ka noqdo wadahaddallada lagu mideynayo Etoobiya, Somaliy iyo Eriteriya, waxaana wadata Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga.

Dalka Talyaaniga waxaa u hadda  yurub ka joogaa meshii ugu hoseesay taariikhda Yurub waxaanu rabaa inuu ka dhigto magac inuu mideeyey waddamada kulaala Badaha Cas iyo Badweynta Hindiya, kadibna sheegto inuu isaga gacanta ku hayo marinbiyoodka dunida ugu muhiimsan oo ay badeecadaha Yurub u soo maraan.

Farmajo waxaa loo sheegay in laga rabo inuu ogolaado labadaan qodob inta aan wax kale laga wadahadlin, waana xujo aysan jirin wax ku khasbaya inuu maanta qaato Madaxweyne Somaliyeed oo ilaalinaya danaha dalkiisa.

MOL waxay ka digeysaa khater kale oo ka soo socota arrintaan oo haddii dawladaha waaweyn ay soo galaan ay dhici doonto inaan arrinkaan marnaba dib looga noqon kareyn xataa haddii gacantii saxeexday la gooyo.

Dadka Somaliyeed ee isda aadka u daneeya dalka waxaa wali xanuunkeeda uu sii hayaa Madaxweynahaooda oo booqsho afar saacadood oo kaliya ahayd gacanta ugu geliyey dal cadowgooda ah, Itoobiya,  afar dekadood oo muhiim u ah nolsoha Somalida, booqashadaan oo ah seddex maalmood  (72 Saacadood) muxuu Talyaniga u saxeexi doonaa  MW Farmajo wax waaba saxeexi doonaaye.?

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=NwGL4TCDA6c[/embedyt]