Madaxweyne Farmaajo oo aay soo wajahday shaki badan uu ka qabo in la sumeeyo (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waahayan dambe lagu arkey shaki aad u badan oo la xiriira dhinac walba.

Maalintii la daah furey manhajka waxbarashada dalka ayaa waxaa la arkey in madaxweynaha uu aad u careysnaa kana muuqatey caro xoogleh, in uu jeebka jaakada kala soo baxay dhalo biyo ah kaddibna dhowr jeer kabaday, tani waxay markhaati ka tahay in Farmaajo uusan kalsooni ku qamin dadka la shaqeeya iyo howlwadeenadiisa, waana shaqsi aad u shaki badan oo aaninsan in la sumeynaayo.

Weli taariikhda laguma arag masuul biyaha uu cabayo marka uu fagaarayaasha kala hadlaayo dadkiisa gaar ahaan arday da’yar ah in uu tuso in uu shaki ka qabo qof walba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa waxaa uu ku hadley hadalo tilmaayeya shaqsiyadiisa iyo qofka uu yahay, horey ayaa waxaa loo yiri si aad u baratid shaqsiyada qofka sii awooda ama u dhiib xil.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada ku jira xaalad aad u murugeysan oo lagaba yaabo in xanuun uu ku yimaado xanuun dhanka miyirka ah, waayo waxaad moodaa in aanu dulqaad u lahayn hoggaanka lagu aaminay, taasoo laga sugaayay in uu isna aamino ilaahey kuna kalsoonaado shacabka uu hoggaanka u yahay

Halka hoose ka daawo