Madaxweyne Farmaajo oo 2-Arin Awgeed ay suuragal tahay in uu Dhuusamareeb u tago(Aqriso Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu Socdaal labaad ku tago Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug maalmaha soo socda.

Sida aan xogta ku heleeyno Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tagaya in uu madaxda Maamulka Galmudug ku qanciyo dhowr qodob kuwaasi oo qabyo ahaa kolkii uu kasoo tagaayay safarkii hore,waxaana ka mid ah in Isbedel hogaanka ah la sameeyo,in Awooda Ciidamada Dowlada dhexe loosoo wareejiyo.

Hadaba Dad badan ayaa waxaa ayisweeydiinayaan maxeey tahay sababta Dowladu xooga u saartay Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle Faragelintooda,iyagoo ka baaqsaday in ay la hadlaan oo ay Xitaa Ciidamo u Diraan Deegaanadda Kale.

Safarka Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa suuragal in ay ka dhashaan Khilaafyo siyaasadeed oo horleh