Madaxweyne Farmaajo Maxuu  kala hadlay Qooyska Deeqa Yariiseey!!

Reading Time: < 1 minute

Maalmo ka hor rasaas uu furay askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa waxaa ku geeryootay  Gabadh ardayad ah oo jirtay 9-sano laguna Magacaabi jiray Deeqa,Madaxweyne Farmaajo ayaana qaabilay Qooyska Gabadhaasi.

Gabadhan oo 9 jir aheyd islamarkaana dhiganeysay iskuulka Hoyga Xamar ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyada oo hay’adaha ammaanka ay qabteen askarigii dilay gabadhaasi yar.

Madaxweynaha ayaa ehelka gabadha uga tacsiyadeeyay Geerida Gabadhooda,waxaana uu sheegay in Cadaalada la horkeeni doono,askarigii falkaasi geeystay

Askariga dilkaasi geeystay ayaa gacanta lagu dhigay shalay,waxaana la ogeeyn in Cadalada si sax ah loo marsiiin doono iyo in kale