Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar afka ku qaaday maamul goboleedyada ku kacsan dowladdiisa ee xiriirka u jaray, isagoo ugu yeeray Siyaasiga Xanaaqsan.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Furitaanka Munaasabadda Ololaha dib u soo nooleynta Waxbarashada Dadweynaha oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in siyaasiga Xanaaqsan uu yahay midka qalbi jebiya shacabka.
Madaxweynaha oo la hadlaayay da’yar wax ka barata dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu qudbadiisa kaga hadlay siyaasad, iyadoo goobta iyo dadka uu la hadlaayay aay ahaayeen carruur arday oo hadaladiisaba laga yaabo in aay ku rido qalbi jab. Hadafka Madaxweynaha ayaa u ekaa mid uu isku qancinaayay maadaama uusan soo hor istaagi karin siyaasiyiin iyo dad waa weyn kartideedana uusan lahayn in uu wax u sheegoo
“Siyaasiga xanaaqsan waxay ka hadlaan Beesha Caalamka Hanoo timaado hana dhex dhexaadiso, waxay ka hadlaan calaacal, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay ma soo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar ma lahan, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo toos u weeraray maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ahaa mucaaradka kursi doonka ah waxaa hadaladiisa u badnaa kuwo uu ku dhaliilayay maamuladii isaga ka horreeyay balse markii uu xukunka helay la yimid ficilo liddi ku ficiladii uu sheegi jiray
Daawo – Beenta Farmaajo ee shalay iyo maanta