Gudoomiyaha Magaalada Marko Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cusmaan Yariisoow ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo u balan-qaaday in Adeegyo bulsho oo deg-deg ah laga fuliyo Magaalada taasi oo ay ka sugayaan Madaxweynaha.
Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magaalada Marko halkaasi oo uu kula kulmay qeeybaha kala duwan ee Bulshadda Rayidka ah Odayaasha dhaqanka,waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamadda Ee Jooga Magaaladaasi.
Maxamed Cusmaan Yariisoow Gudoomiyaha Magaalada Marko Ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa uu sidoo kale sheegay in Safarka Madaxweynaha uu balanqaaday in Ciidamo xoogan magaalada loosoo diro doono,kuwaasi o xaqiijiyo amnigga.
Dadka qaar ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Hadaladaasi Madaxweynaha ee ah in adeegyadaasi loo fulinaayo dadka reer Marko aysan noqon doonin kuwa Hirgalo.